Cristiano Ronaldo Oo Digniin Culus U Jeediyay Dadka Ku Fekeraya Inay Da’da Kabada Timid

Weerar yahanka Juventus ayaa u sheegay dadka qaarkood ee ku fekeraya inay sarre ukac ku yimid da’diisa ay sababeyso hoos udhac ku yimaada bandhig ciyaareedkiisa, isaga oo sheegay inuu sii wadan karo xirfadiisa.

“Aniga waan ka duwanahay xayawaanka, waan ka duwan yahay ciyaartoda, waan ka duwanahay maskaxda qof kale,” ayuu u sheegay FF.

“Aniga ma oranayo, aniga ayaa fiican, aniga waxaan sheegayaa inaan ahay mid ka duwan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Laga yaabee in sababtaasi darkeeda aan ujoogeteyno 12-kii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu ku nuux-nuux saday.

“Waxaa jira kuwa mar kasta jeclaan lahaa inay soo dhamaato waayaheyga, laakiin ma ahan sidaasi.

“Aniga waxaan ahay , waan sii ahaan doono, waana wax aan uqalmo. Natiijooyinkeyga ayaa ka hadlaya nafsadeyda.

“Da’da maskaxdaada ku jirta, waa waxa aniga ii ogolaaneysa inaan sii wato maqaamka sarre, waxaana ku dareemayaa garoonka farxad, iyo xasilooni.

“Aniga waan ogahay in maalin un ay soo dhamaan doono, afar, Shan, Lix sano, waad ogaan doontaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay laacibka Joogadheer ee udhashay dalka Portugal, wiilka lagu magacaabo Cristiano Ronaldo.