Cristiano Ronaldo oo ka hadlay Ku Guulaysiga Horyaalka Serie A-da

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay dareenkiisa kadib markii uu Kooxda Juventus ku hogaamiyay hanashada horyaalka Serie A-da oo ah koobkiisii ugu horeeyay ee horyaalka italy.

Cristaino Ronaldo ayaa kooxda Juventus ugu soo biiray suuqii xagaaga isaga oo kaga imaday kooxda Real Madrid uguna soo biiray lacag dhan 110 milyan oo euro kadib 8 sano oo uu joogay Madrid.

Ronaldo oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri” Kani waa xilli ciyaareedkaygii ugu horeeyay ee Juventus, waxa aan ku guulaystay koobkaygii 2-aad, waan ku faraxsanahay in aan noqdo xiddigii ugu horeeyay ee ku guulaysta 3 horyaal oo kala duwan”.

Waa in aanu ka gudubno xaalada, waxa aan ka harnay champions League Laakiin waa in aanu iska ilowno arintaan.

Waxa jira shaqo badan oo ay tahay in aanu qabano si aanu ugu guulaysano champions League, waa in aanu Nasiib lahaano waliba fiicnaano.

Waxa aan isku dayi doonaa sanadka dambe ku guulaysiga champions League waanan soo laaban doonaa mar kale”ayuu Ronaldo hadalkiisa ku soo xiray.

Dhinac kale Cristiano Ronaldo koobkiisii 2-aad kula guulaystay Juventus kadib markii ay bilowgii xilli ciyaareedkan koobka Super Coppa Italia ka qaadeen Ac Milan.

Image result for juventus vs fiorentina

Related image