Cristiano Ronaldo Oo Soo Xushay Liiska Xidigaha Uu Doonayo Inay Ku Guuleystaan Ballon d’Or Xagaagan

Cristiano Ronaldo ayaa la waydiiyay liiska ciyaartoyda uu doonayo inay xili ciyaareedkan ku guuleystaan abaalmarinta Ballon d’Or.

Biladdaan oo ah midda ugu qiimaha badan aduunka ayaa waxaa usharaxan in ka badan 30 ciyaartoy, oo la kala saari doono.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa iska indha tiray Lionel Messi, isaga oo soo xushay liis shan ciyaartoy ah.

“Si lamid ah, ma garanayo hadii Messi uu kasoo muuqan doono masraxa,” ayuu ku jawabaay CR7 inuu magacaabo xidigaha Ballon d’Or kula baratami karta fasal ciyaareedkan.

“Marka, waxaan dhihi lahaa Modric, Griezmann, Varane, Mbappe – guud ahaan Faransiiska, sababta oo ah inay hanteen koobka aduunka.

“Balse, aniga waxaan sugi doonaa hadii dhamaan ciyaartoydaan ay kasoo muuqdaan liiska 10-sarre sida aniga iyo Messi aan sameynay, taasi oo ku muteysanay shaqada aan wadno.

“Wali waxaan saaran nahay masraxa, tobbankii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagbaeeyay laacibka naadiga Juventus, wiilka lagu magacaabo Cristiano Ronaldo.