Cuadrado Oo U Goodiyay Real Ka Hor Kulanka UCL Ee Talaada

Kadib markii uu dhaliyay goolkii muhiimka ahaa kulankii ay habeenkii Sabtida ay uga badiyeen AC Milano, kaasoo ka tirsanaa horyaalka wadanka Talyaaniga ayuu xidiga Juventus ee Juan Cuadrado uu sheegay in kooxdiisa aysan la liidan Los Blancos.

Laacibkaan heerka caalami ee wadanka Colombia ayaa waxaa uu dhaliyay goolkiisaan kadib markii uu kasoo kacay keydka waana kulankii ugu horeeyay ee uu dheelo sanadkaan 2018, maadaama uu dhaawac uu ku maqnaan saddex bilood.

Cuadrado ayaa wuxuu rajo wanaagsan in hada ay tahay wadadii saxda ahayd oo ay ka aargudan karaan Madrid, maadaama xagaagii lasoo dhaafay ay ka qaaday Champions League, xiligaasoo ay isugu yimaadaan Final-ka koobkaan.

“Inaan ka guuleysano AC Milan waxay nasiineysaa awood aan ku wajihi karno kooxaha sida Real Madrid, kuwaasoo ah koox weyn,” ayuu wariyaasha usheegay kadib ciyaartaas.

“Laakiin, waxaan diyaar unahay inaan uwajahno iyaga sida ugu wanaagsan oo aan ahayn waqtigii ugu dambeeyay,” ayuu sii daba dhigay.

“Ma nihin kuwa iyaga ka xun [la liita] waxaana hada nahay iyaga oo kale, waxaana nahay koox weyn,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay xidigii hore ee Chelsea, islamarkaana garabka midi gee weerarka ka dheela, wiilka lagu magacaabo Juan Cuadrado.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com