Daadir Aamiin Daada Oo Niyada U Qaboojiyay Taageerayasha Kooxda Banadir Sports Club

Kabtanka kooxda kubadda cagta Banadir Sports Club Daadir Aamiin Cali (Daada) ayaa laabta u qaboojiyay jamaahiirta Naadiga Banadir Sports Club kadib markii uu soo dhigay bartiisa Facebooka hadal uu ku muujinaya inuu sii jooge doono kooxda xirfadiisa kubadda cagta.

Daadir Aamiin ayaa la hadal hayay inuu iskaga tagi doono kooxda Banadir Sports Club kadib markii uusan kulamo badan ka soo muuqan kooxda, waxaana lala xariirinayay kooxo badan balse laacibkan ayaa cadeyay inuu meelna ugu socon kooxda faca weyn Banadir.

Daadir Amiin ayaa kooxdan ku sugna mudo dhan Sideed Sano isago waqti fiican ku soo qaatay naadigan.

Ciyaaryahan Daadir Aamiin ayaa naadiga Banaadir S,C kula soo guuleystay intii uu ku sugna kooxdan koobab badan oo kala ah, 2-Horyaalka oo la xasuusto iney ku qaadeyn iyago aan marna laga adkaan, 1-koob oo super Cup, 2-Koobka General Daa’uud iyo 9-koob oo munaasabado.

hadalka uu soo qaray ayaa sidaan ahaa.

” Shaley Banadir Sports Club
Maanta Banadir Sports Club
Berri Banadir Sports Club

W/Q:Cabdifitaax nani