Daafaca Bayer Ee Jerome Boateng Oo Shaaciyay Sababta Uu Isaga Diiday Kusoo Biiritaanka Manchester United

Daafaca Bayern Munich ee Jerome Boateng  ayaa daboolka ka qaaday in Jose Mourinho uu isaga kasoo wacay Telafoonka si uu ugu qanciyo imaanshiyaha Manchester United.

Laacibkaan dambeedka buuxa uga dheela xulka qaranka Jarmalka ayaa shaaciyey inuu iska diiday wax walba oo uu Mourinho usoo bandhigay, uuna usheegay inuu ku farax-san yahay Munich.

“Waxaan xiiso ka helay PSG iyo Man United, waxaana uhayaa labadooda qadarin badan,” ayuu Jerome Boateng usheegay Majaladda SPORT BILD ee wadankiisa kasoo baxa.

“Ma ahan inaanan dooneyn ka tegtaanka Bayern Munich, balse, waa in aan doonayo inaan helo loolan cusub, waxaana ku dareemayaa halkaan farxad.

“Bayern Munich waa koox kamid ah kuwa ugu waa wayn dunida, waxaana Telafoonka iga soo wacay Jose Mourinho oo ii sheegtay xiisahiisa, laakiin waxaan u sheegay inaan halkaan doonayo.

“Waan umahad-celinayaa, waxaana usharaxay sababaha aanan dooneyn inaan ugu soo biiro, waxayna tahay wax adag inaan ka tago Bayern Munich.

“Wax kasta waxay ku dhacayn kooxda ugu wanagasan ee tani. Hadii aan sameynayo. Niko Kovac wuxuu isiiyey dareen ah, inaan ahay shaqsiga ugu muhiimsan kooxda,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.