Daafaca Chelsea Ee Emerson Oo Ka Hadlay Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Waajibaadka Xulka Qarankiisa

Daafaca Kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri ayaa ka hadlay xaaladiisa kadib markii uu dhaawac soo gaadhay kulankii uu xulka qarankiisa Italy guusha ka gaadhay xulka Finland kulan ka tirsan is reeb-reebka Euro 2020.

Daafaca Emerson Palmieri ayaa hoos u dhigay baqdinta laga qabo dhaawacii soo gaadhay kulankii Finland isaga oo sheegay in uuna dhaawacu halis ahayn.

25 jirka oo ku bilowday dhamaan kulamadii kooxdiisa ee premier League iyo waliba Kulankii UEFA Super Cup ayaa dhaawac looga saaray kulankii uu xulka Italy guusha ka gaadhay xulka Finland.

Emerson Palmieri ayaa u muuqday mid uu dhaawac ka soo gaadhay muruqa isaga oo ciyaarta laga saaray daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta isaga oo laga saaray ciyaarta bilowgii ciyaarta.

Xiddigii hore ee kooxda Roma ayaa ka mid ah xiddigaha ugu qaab ciyaareedka fiican xilli ciyaareedkan waxana ay taageerayaasha chelsea ka wal-walayeen dhaawaca soo gaadhay xiddiga.

Laakiin Emerson Palmieri ayaa sheegay in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah laakiin yahay dhaawac aad u fudud oo aanu ahayn mid laga wal-walo.

“Guul Muhiim ah ayaan gaadhnay, Nasiib xumo waxa isoo gaadhay dhaawac yar laakiin ma ahan mid halis ah”ayuu xiddigu yidhi