Daafaca Chelsea Ee Marcos Alonso Oo Kashifay SIR Yaab Leh Oo U Qarsaneed Alvaro Morata

Alvaro Morata, ugu yaraan hada waa mid aad uga niyad-jabsan in loogu yeeri waayey xulka qaranka Spain, gaara ahaan ciyaartoyda dheeleysa kulamada saaxibtnimo ee nagu soo wajahan, sida uu daboolka ka qaaday Marcos Alonso.

Labadaan ciyaartoy waa Morata iyo Alonso ayaa uwada dheela kooxda sanad ciyareedkan daafacaneysa horyaalka Premier League, ee wadanka Spain, laakiin muuqaal ciyaareedkooda oo liita ayaa keentay in laacibkii hore ee Real Madrid aan loo yeerin.

Sikastaba, Alonso, oo wariyaasha la hadlay maalintii Isniinta, ayaa wuxuu carabka dhuftay in wax walba oo ku dhacay Morata, ay sabab uyihiin dhaawacii uu dhawaan kasoo laabtay xidigaan, isagoona urajeeyay soo kabasho deg deg ah.

“Sida iska cad, ma ahan isaga mid farax-san,” ayuu Marcos ku jawaabay mar wax laga weydiiyay xaalka, laacibka ay isku kooxda yihiin.

“Waa uu dhibtoonayaa,maxaa yeelay wuxuu dhawaan lee kasoo laabtay dhaawac,” ayuu hadalkiisa kusii daray, daafacaan dambeedka bidix.

“Gool ayuu dhaliyay dhawaan [kulankii Leicester City ee FA Cup-ka], waxaana maalin kale iyo waliba waqti kale, aan urajeynayaa in loo yeero, gaara ahaan koobka aduunka [ee 2018, kana dhacaya wadanka Ruushka],” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com