Daafaca Real Ee Marcelo Oo Muxuu Ka Yiri Hadii Ay Macquul Tahay Inuu Neymar Jr Kusoo Laabto Barca

Xidiga dambeedka bidix uga dheela Real Madrid, ee Marcelo, ayaa wuxuu biyo qabow uu ku shubay sheekooyinka ku aadan in Neymar, uu dib ugu soo laabto Barcelona, xili sheekadaas ay hadalhayeen warbaahinta.

Neymar, ayaa wuxuu Barcelona, kaga biiray fasal ciyaareedkii hore dhigeeda PSG, kadib markii lagu iibsaday aduun dhan 222 Milyan, taasoo ka dhigtay ciyaaryahannka koowaad ee dunida ugu qaalisan abid.

Xidigaan reer Brazil, ayaa inta ka dhiman fasal ciyaareedkan wuxuu garoomada kaga maqnaan doonaa dhaawac dhanka Qancowga ah, waxaana sidoo kale laga qabaa cabsi weyn inuus eego koobka aduunka ee sanadkaan 2018.

“Ma garan karo hadii ay dhici karto arrintaan, laakiin waxaa hubaa inuu hada dareemayo wanaag badan inta uu joogo Faransiiska,” ayaa laga soo xigtay Marcelo, xili uu warbaahinta la hadlayay kadib ciyaartii Eibar.

Geesta kale, Marcelo oo ka hadlayay bandhiga kooxdiisa ee ciyaartaas ayaa wuxuu yiri: “Kulankaan waxaan udheelnay sidii ugu fiican, waxaana mar walba dooneynaa inaan soo bandhigno wax walba oo macquul ah.

“Dadka qaarkood markii aan sameyno bandhig fiican waa ay na amaanayaa, laakiin marka aan sameynin wax wanaagsan wax walba ayay sheegeen, laakiin inag taasi mana celineyso inaga,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com