Daafaca Real Madrid Ee Marcelo Oo Si Cajiib Ah Uga Jawaabay Waxa Uu Kula Talin Lahaa Isco

Todobaadkan maamulaha Real Madrid wuxuu sameeyay arrin dood kulul dhalisay, taasi oo ahayd inuu kasoo tegay Isco kulankii Champions League.

Los Blancos ayaa wajahaday AS Roma habeenkii Talaadda markaasi oo ay Madrid ku heshay guusha 2-0, ciyaar si wayn layskugu daalay.

Kadib kulankaasi, Marcelo oo ka hadlay sheekadani wuxuu carabka ku dhuftay in looga baahan yahay Isco inuu degdegin.

“Aniga ma ahi midka siinaya talada,” ayuu ku jawaabay markii la su’aalay inuu talo bixin usameeyo laacibkaan.

“Inaga waanu waynaanay…Inaga waxaanu nahay waaladiin…Inaga waanu ognahay waxa aan sameynayno,” ayuu raaciyay.

“Dhamaan ciyaartoyda waxay doonayaan inay dheelaan, balse inaga waanu shaqaynaa, taasina waa waxa ay sameeyeen ciyaartoyda.

“Taasi kalama jeedo inaanu Isco shaqaynin…Balse, kubada cagta waa sidaasi, waxaad arkeysaa mar adiga oo fashilma marna horumara,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray daafaca Real Madrid ee Marcelo.