Daafaca Rojo oo heshiis cusub u saxiixay Manchester United

Daafaca xulka Argetina ee Marcos Rojo ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Manchester United heshiiskaas oo kula sii joogi doono ilaa laga gaarayo Sanadka 2021 ka.

Marcos Rojo oo hada dhaawac kaga maqan Garoomada ayaa loo kordhiyey qandaraaskiisa oo ku ekaa marka uu dhamaado xiligaan waxaana dalbaday in heshiis cusub laga Saxiixo Rojo Macalinkiisa Jose Mourinho.

 Rojo  ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiis cusub ee uu u saxiixay kooxdiisa waxaana uu sheegay in uu Goordhow Garoomada ku soo laaban doono kooxdiisana ka saacidi doono sidii ay meel wanaagsan uga geli lahaayeen Horyaalka Premier League.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com