Daawo: Braziil oo Garaacday dalka Marti gelinaya koobka aduunka

Xulka kubada cagta dalka Braziil oo cayaar saaxiibtinimo kula Cayaaray Magaalada moscow ee Caasimada dalka Marti gelinaya koobka aduunka ee Ruushka ayaa Gaaray Guul weyn iyada oo uu ka maqanyahay Hogaamiye Xulka Neymar oo dhaawac ah.

Braziil ayaa 3-0 ku Garaacday dalka Ruushka waxaana Goolasha u kala dhaliyey Xiddigaha Philippe Coutinho, Paulinho iyo Miranda iyaga oo sidoo kale muujiyey awooda dheeraad ah iyo in ay Tartan adag u geli karayaan ku Guuleysiga Markii 6 aad ee koobka aduunka.

Kulankaan oo lagu cayaaray Garoonka ay ka dhici doonto Cayaarta furitaanka koobka aduunka 2018 ee Luzhniki Stadium ayaa Braziil waxa ay ahaayeen kuwo dhan kasta kaga awood badnaa dalka Ruushka waxayna u qalmeen in ay dhaliyaan Goolal kabadan 3 da ay shabaqa dhex dhigeen.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com