DAAWO: Goos Gooska Kulankii xiisaha lahaa ee Manchester City iyo Everton

Laacib Sports : Kulan ay galabta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo dhigeeda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska kulankii 17aad ee horyaalka Premier League-ga.

Naadiga Manchester city ayaa ugu yaraan hal maalin sii heyn doonta hogaanka ilaa iyo inta ay wada ciyaari doonaan Liverpool iyo Manchester United oo beri oo axad ah ku wada ciyaaridoona garoonka Anfield, ciyaartaa ayaa hadii ay badiso kooxda manchester united ama ay ciyaartu noqoto mid barbar dhac ah ay noqon doonto mid hogaanka sii heyneyso.

Kooxda City ayaa maanta ciyaar qurux badan la timid iyadoo ciyaaryahanka Gabriel Jesus uu dhaliyey laba gool isagoo soo gababeeyey abaartii gool la’aanta ee ka haystatey Premier League-ga isagoo labad gool kala dhaliyey daqiiqadii 22aad iyo daqiiqadii 50aad halka uu goolka sadexaadne uu dhaliyey Raheem Sterling oo dhaliyey daqiiqadii 69aad isagoo ciyaarta ku soo galay bedal halka goolka madiga ah ee Everton ay dhalisay daqiiqadii 65aad waxaana u saxeexay laacibkooda afka hore ugu ciyaara ee Dominic Calvert Lewin waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3:1 ay guushu ku raacday kooxda Manchester City oo gurigeeda ku badisay.

Kooxda Manchester City Guusha ay maanta gaartay kooxdan city ayaa waxa ay noqonaysaa ciyaartii 10aad ee ay ku ciyaaraan gurigooda oo dhamaantood ay wada badiyeen, tan iyo intii uu socday horyaalku ayaa city laga badiyey hal kulan oo kaliya halka ay galeen laba barbar dhac ah halka 14ka kulan ee kale ay badiyeen.

Daawo Goos Gooska Kulankii galabta