DAAWO: Kooxda Arsenal oo galabta sidii laga rabay laga sameeyey!

Laacib Sports : Kulankii xiisaha lahaa ee dhexmaray labada kooxood ee West Ham United iyo Arsenal ayaa waxaa si lama filaan ah kooxda Arsenal loogaga badiyey 1-0 kadib markii kooxda West Ham United daqiiqadii 48-aad markii laga soo laabtay nasashada ay dhalisay goolka guusha waxaana u dhaliyay laacib ka lagu magacaabo Declan Rice.

Macalin Emry ayaa Qasaaro Hor Leh La Kulmay Sanadkaan Cusub Ee 2019 oo ay ciyaareen kulankooda labaad galabta, kooxda Westham ayay guushaan uga dhigan tahay in ay ka gudbeen mid ka mid ah talaaboyinka wareega labaad oo ay kooxaha waaweyn la balansanaayeen xilli ciyaareedkaan.

Naadiga Arsenal ayaa haatan shaqeysatay laba dhibcood oo qura shantii kulan ee ugu dambeesay oo ay banaanka ku soo cayaaraan ( labo bareejo iyo sedex qasaaro ayay la kulmeen, sido kale waxay shaqeysteen 13 dhibcood shanti kulan ee ka horeesay shantaan kulan oo ay banaanka ku soo ciyaareen naadiga Arsenal.

DAAWO GOOS GOOS KA