Daawo: Lionel Messi oo Tababar ku qaadanaayo Garoonka Manchester City

Xiddiga kooxda kubada Cagta Barcelona iyo xulka Argentina Lionel Messi ayaa kusugan Magaalada Manchester ee dalka England oo isaga iyo Cayaartoyda xulka dalkiisu ay ku qaadanayaan tababar.

Lionel Messi iyo Xulka dalka Argentina ayaa Tababar ku qaatay Xerada ugu Tasaalliidka Wanaagsan Caalamka oo dhan kaas oo ay leedahay kooxda Hogaamineysa Horyaalka dalka England ee Manchester City Naadigaas oo in badan lala Xiririyey Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi kaas oo laakiin diidey in uu ka Cayaaro Horyaalka dalka England.

Dalka Argentina iyo Talyaaniga ayaa kulan Saaxiibtinimo ku dheeli doona Garoonka Etihad Stadium habeenka Jimcaha ah ee nagu soo fooda leh Cayaartaas oo Noqon doonta mid aad u adag.

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com