DAAWO : Liverpool oo si dirqi ah uga badisay Brighton & Hove Albion

Laacib Sports : Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa caawa marti u ahayd kooxda Brighton & Hove Albion oo gurigeeda lagu ciyaarayay kadib markii ay ciyaarta kusoo idlaatay 1-0 ay guushu ku raacday Kooxda Liverpool waxaana goolka qura ay ku badisay u dhaliyay Gool ku laad Daqiiqadii 50-aad Laacibka Reer Masar ee Mohamed Salah.

Dhanka Ciyaartooyda Brighton ayaa sidoo kale ku dhawaaday in ay hogaanka u qabtaan kulanka, walow uu ka diiday gool haye Alisson kubad ilaaliyaha kooxda Liverpool oo dhowr jeer badbaadiyey goolal la fili kari in ay dhashaan.

Isbuucii la soo dhaafay Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa laga cirib tiray FA Cup-ka waxeyna u muuqataa in ay xooga soo saarto dhanka Premier League-ga maadaama 7-dhibcood ay haatan ku hogaamineyso horyaalka inkastoo Kooxda Manchester City kulankeeda aan la saadaalin karin waxa uu kusoo dhamaado.

DAAWO GOOS GOOS KA