Dani Alves Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Sababta Uu Isaga Diiday Inuu Ku Biiro Chelsea Iyo Man City

Chelsea iyo Manchester City waa magacyada ugu waawayn ee lala xiriirinayay inuu Dani Alves iska dhiibi doono kahor inta uusan ku biirin PSG.

Daafacaan reer Brazil ayaa sharaxaad wuxuu ka bixiyay sababta uu ugoostay inaanu ku biirin naadiyaddani, oo kamid ah kuwa ugu waawayn qaarada Yurub.

Alves ayaa shaaca ka qaaday in Blues iyo Sky Blues aysan ahayn kooxaha isaga uqalma inuu udheelo, inkasta oo uusan ku dheeraanin sababaha.

“Sababta waa in aysan ahaynin kooxaheyga,” ayuu yiri Alves, markii la waydiiyay inuu bidhaamiyo waxa uu ku diiday inuu kusoo biiro kooxahaan reer England.

Dani Alves ayaa ah ciyaaryahanka ugu koobka badan xidigaha haatan ku jirta saaxada kubadda cagta, isaga oo luxay in ka badan 30 koob oo heer caalami ah.

Kooxo kala duwan oo Yurub sumcad ku leh ayuu soo maray, kuwaasi oo ay ku jiraan Barcelona, Juventus iyo haatan oo uu ka tirsan yahay PSG.