Dani Carvajal Oo Sharaxay Sababta Uu U Jeclaan Lahaa In Neymar Uu Real Kusoo Biiro Xili Lala Xiriirinayo

Daafaca Real Madrid, ee Dani Carvajal ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay inuu jeclaan lahaa in Neymar uu ku arko maalin un, isagoo xiran maaliyadda kooxda kubada cagta Los Blancos, taasoo hadda si weyn loola xiriirinayo.

Neymar, ayaa wuxuu Barcelona kaga tegay sanad ciyaareedkii hore, markaasoo uu PSG, oo wadanka Faransiiska ka dheeshay ay ku iibsatay aduun lacageed dhan 222 Milyan, taasoo ka dhigtay ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan.

Laakiin, wararka imaanaya wadanka Faransiiska ayaa waxay sheegayaa in Neymar oo hada salaada Qaliinka la saaran dhaawac uusan ku farax-saneen, sidaas darteeda uu doonayo kusoo laabashadda horyaalka La Liga, ee wadanka Spain.

“Si adag ayuu ii dhibaateeyay, Neymar waan jeclaan lahaa inaan lasoo wareegno,” ayuu Dani Carvajal, ku sheegay Idaacadda MARCA, ee ku taala wadanka Spain.

Dhibaatada uu sheeganayo Carvajal ayaa waxay tahay inuu dhaawac uu kasoo gaaray ama uu xanuun uga soo booday wadnaha, taasoo uu sabab u ahaa markii uu Barca joogay, wuxuuna laacibkaan reer Spain uu dib uga sheekeeyay arrintaas.

“Waxay ahayd dhibaato, waxaana ahaa mid wadnihiisa uu xanuun lasoo darysay, tabababarka si fiican waan uqaadan wayaay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Waan hadli kari wayaay, sababtoo ah, waxaa ahaa mid aan wax dhaqdhaqaaq ah sameyn karin, sidaas darteeda shaqo adag oo badan kadib waan soo noqday, waana ku farax-sanahay inaan dib uhelo caafimaadkeyga,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com