Danny Welbeck Oo Guul Muhiim Ah Ku Hogaamiyay Arsenal Oo Si Dirqi Ah Uga Adkaatay Sporting Lisbon

Weeraryahanka reer England ayaa dhaliyay goolka qura oo ay kooxdiis Arsenal heshay kulan ciyaareedkii ay wajaheen dhigooda Sporting Lisbon ee ka tirsanaa Europa League.

Dheesha dhex-martay kooxahani oo ka dhacday Qalcadda caanka ah ee Emirates ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday naadiga Gunners-ka.

Goolka Welbeck ayaa wuxuu yimid daqiiqadii 77aad ee qaybta labaad ee kulan ciyaareedkan, waxaana kooxdiisa ay u tahay mid aad muhiim ugu ah.

Inta uu socday kulankii dhex-maray kooxahani ma jirin ciyaaryahan la siiyey kaar casaan ah, inkasta oo ay jireen laacibiin kale oo loo qaybiyey Jaalo.

Guushaan ayaa uga dhigay Gunners-ka inay hogaanka uqabaneyso Group-keeda E, waxaana rajo fiican ka leeyihiin inay usoo baxaan wareega xiga.

Dheesha soo aadan waxay kooxda dheesha Premier League ay la balansan tahay dhigeeda Crystal Palace kulan ka tiran EPL-ka, kaasi oo dhici doona Axadda soo aadan.