David De Gea ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Man United

Goolhaye David De Gea ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay Man United kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo 4 sano ah kana dhigay xiddiga ugu mushaharka badan kooxda Man United isaga oo soo afjaray muddo bilo ah oo la hadal hayay mustaqbalkiisa.

Si kasta ha ahaatee arintaas ayaa sabab u noqon karta in ay kooxda isaga tagaan Labada Goolhaye ee Dean Henderson & Sergio Romero si ay u raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan.

Inkasta oo uu qaab ciyaareed xun ku jiray 12-kii bilood ee ugu dambeeyay hadana Goolhayaha reer Spain ayaa qalinka ku duugay hesiis cusub oo 4 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda.

Labada Goolhaye ee Dean Henderson & Sergio Romero ayaa doonayay in ay noqdaan Goolhayaha 1-aad ee Man United hadii uu De Gea ka tago kooxda xagaagan.

Laakiin Marka loo eego in uu mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Man United waxa shaki la,aan ah in ay labada xiddig raadsan doonaan tartan kale.

Dean Henderson ayaa heshiis amaah ah uga maqan kooxda Man United isaga oo la jooga kooxda Sheffield United Isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Goolhaye Hendrson ayaa loo arkaa mustaqbalka dheer ee De Gea laakiin waaxa laga yaab in uu isaga tago kooxda Man United si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Dhanka kale Goolhaye Romero ayaa muddo dheer ahaa badalka De Gea waxana uu si weyn u rajaynayay in uu ugu dambayn noqdo Goolhayaha 1-aad ee kooxda Man United.

Laakiin kadib heshiiskii cusbaa ee De Gea Goolhayaha reer Argentine baxsad ka noqon doona Man United si uu u raadsado boos joogto ah xilli ciyaareedka dambe.

Image result for david de gea

Image result for david de gea

Image result for david de gea