David Luiz oo laga waayay safka kooxda Chelsea,waxaana lagab yaabaa inuu…

Daafaca kooxda kubada cagta chelsea iyo xulka  Brazil  ee David Luiz ayaa laga waayay safka kooxda Chelsea, waxaana lagab yaabaa inuu tago dhamaadka xili cayareedkaan.

qorshaha macalin Antonio Conte, kuma jiro  iyadoo sidookale xitaa uu soo gaaray dhaawac jilibka ah David Luiz.

Dhaawicii ugu dambeyay ayaa la micno ah in David uu kujiro sannadkii ugu xumaa xirfadiisa kubada cagta.

Waxa uu ka tagay  magalada London isagoo ah hogaamiyaha ugu sareeya kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Chelsea, markaasoo uu ku biiray kooxda PSG.

Dagaalka Conte iyo Luiz ayaa yimid wixii ka dambeeyay kulankii Chelsea 3-0 qasaaro ah kala kulmeen kooxda Roma lugtii ugu dambeysay wareega Group-yada tartanka Champions League.

Isagoo ka hadlayay sababta Luiz looga saaray safka Chelsea Conte ayaa yiri” waa xeelad ii gaar ah.

Tan iyo kulankii Roma, Luiz ayaa kaliya afar kulan u cayaaray Chelsea, waxaa macquul ah inuu seego Koobka Aduunka.

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com