Davor Suker Oo Saadaaliyay Kulanka Real vs PSG & Darajada Ay Los Blancos Ka Gaari Karto UCL

Davor Suker, ciyaaryahankii hore ee Real Madrid, kaasoo hada ah Madaxweynaha xiriirka kubada cagta dalka Croatia, ayaa wuxuu sheegay in Real Madrid, ay gaari karto xili ciyaareedkan Final-ka koobka Champions League.

Sanad ciyaareedkan waxaa lagu dheeli doonaa Final-ka Magaalada Kiev, ee dalka Ukraine, iyadoona la qorsheenayo in la qabto 26-ka bisha May ee sanadkaan 2018, inkastoo ay macquul tahay in la bedalo hadii ay dhibaato dhacdo.

Suker, ayaa waxyaabaha kale, ee uu ka hadlay waxaa kamid ah ciyaarta ay wajaheyso kooxdiisii hore dhigeeda PSG, taasoo ka tirsan tartanka Champions Leage, gaara ahaan Darajada 16-ka waliba lugta labaad ah.

“Real Madrid, hada waa koox xoog badan ciyaartoyda waxay yihiin kuwa si fiican isugu diyaariyay, marka waxaan aaminsanahay inay gaari karaan xili ciyaareedkan Final-ka ka dhici doona Kiev,” ayuu usheegay Suker, Majalada MARCA.

Mar wax laga weydiiyay ciyaarta PSG iyo Real Madrid ayuu ku jawaabay: “Waa kulan aad u adag, kaasoo inta badan ay dadka indhaha kuwada hayaan, laakiin waxaan ognahay in Madrid ay gacanta sare leedahay.

“Sababtoo ah, waa kuwa bandhig fiican ku leh Champions League, waa run hadii Labo gool laga dhaliyo ay halis geli karaan, balse waxaan rajeynayaa inay dhacaan wixii dhacay lugtii koowaad,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com