DEG DEG: Barcelona Iyo Kooxda Gremio Oo Ka Heshiis Ka Gaaray Iibka Ciyaaryahan Arthur

Kooxda kubada cagta Barcelona, ayaa waxay kala heshiisay dhigeeda Gremio, iibka ciyaaryahanka lagu magacaabo Arthur Henrique Ramos de Oliveira Melo.

War kasoo baxay Barcelona, ayaa waxaa lagu sheegay in laacibkaan ay uhaysato dook ah inay ku iibsato suuqa Julaayo ee sanadkaan 2018, aduun dhan 30 Milyan.

Waxaa intaas dheer in lagu dari aduun dhan 9 Milyan oo Yuuroo, taasoo ku xiran bandhiga uu ciyaaryahankaan ka sameeyo Bluagrana.

 “FC Barcelona iyo kooxda reer Brazil ee Gremio de Porto Alegre ayaa waxay heshiis ay ka gaareen dookh ah in ciyaaryahan Arthur Henrique Ramos de Oliveira Melo,” ayaa lagu yiri warka Barca kasoo baxay.

“Marka la gaaro Julaayo waxaan haysanaa dookh ah inaan ku iibsano aduun dhan 30 Milyan oo lagu daray 9 Milyan oo qiimo qadari ah,” ayaa lagu sii daray hadalka kooxda kubada cagta Barca kasoo baxay.

Ciyaaryahan Arthur waa laacib kaasoo khadka dhexe ka dheela, wuxuuna udashay wadanka Brazil, isagoona dhashay 1996 gaara ahaan 12-kii bishii August, wuxuuna ku dashay Halka la dhoho Goiania oo wadanka Brazil, ka tirsan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com