DEG-DEG: Cabdicasiis Catoosh ayaa si rasmi ah uga tagay naadiga Ciidanka Booliska ee Heegan Fc

Cabdicasiis Catoosh ayaa si rasmi ah uga tagay naadiga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan Fc.

Xidigan ayaa waayo fiican ku soo qaatay kooxdan isago ku sugna kooxda mudo hal sano ah, balse laacibkan ayaa xaqiijiyay inuu iskag hayaamay naadigan Heegan.

Kabtankii hore kooxda Heegan Catoosh ayaa ku laabtay kooxdiise hore ee Dekedda, kaa uu kula soo guuleystay horyaalka Somali Premier League Sanadkii 2016-kii.

Maamulka kooxda Heegan ayaa inoo xaqiijiyay in xiddiga la siiyay warqadiisa fasaxa ee (Noolo Osto).

Hal sano ayaa ka harsan qandaraaska uu kula jiro kooxda, ha yeeshee labada dhinac ayaa isku af gartay in la Kansalo Heshiiska.

W/Q:Cabdifitaax Nani