DEG DEG: Christian Eriksen ayaa si rasmi ah kaga mid noqday kooxda Inter Milan

Xiddiga Christian Eriksen  OO  Ka tagay Tottenham Hotspur kuna biirista kooxda Inter heshiis lacaggeed oo dhan £ 17.5m ilaa 2024

Christian Eriksen ayaa dhameystiray heshiiskii uu ugu wareegayay Tottenham kuna biirayay kooxda Inter Milan.

27-jirkan ayaa u duulay magaalada Milano si uu maanta u maro tijaabada caafimaadka, waxaana uu haatan heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxda Nerrazurri.

Tottenham ayaa aqbashay dalabka Inter ee qiimaha jaban oo ay ka siineysay Eriksen bishaan, halkii ay ku dhumin laheyd dhamaadka xilli ciyaareedkan hab bilaash ah.

Eriksen ayaa noqonaya ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Premier League ee taga San Siro, ka dib markii uu raacay wadadii Ashley Young iyo Victor Moses, oo labadoodaba ku soo biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A bishaan.

Real Madrid, Man Utd iyo Juventus ayaa dhamaantood lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan saxiixa Eriksen xagaagii hore Ilo ku sugan Holland ayaa rajeynaya in heshiiska la sameeyo 24ka saac ee soo socda.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com