Deg-Deg: Dekedda oo guul wayn ku furatay Iyo Feysal Xasan Oo Shabaqa Gaaray

Kooxda xafidanaysa horyaalka Somali Premier League ee Dekedda ayaa kulan csyaareedkii 46-aad iyo Todobaadkii 10-aad la qaadatay kooxda Wasaarada Xananaada iyo xoolaha ee Waxool waxaana Qeybta 1-aad kulan lagu maray 1-0 oo ay hogaanku ku hayaan wiilasha Dekedda waxaana u dhaliyay Bile Bashiir Colaad oo daafac ka cayaara

Markii leysku soo Laabtay Qeybta Labaad Dekedda ayaa halkeeda kasoo wadatay duulanka xaga goolasha waxaana laba gool deg deg u dhaliyay dhaliyihii hore L.L.P Jeenyo Feysal Xasan Xaashi wiilasha Waxool ayaa loo dhigay gool ku laad waxaana gool u badalay lacibkii hore Jeenyo Shaafici Cali Xasan (Shaafaa),balse dhamaadkii cayaarta waxaa naadiga Dekedda goolka afaraad u dhaliyay dhaliyihii hore kooxda Gobalka Banaadir Cabdi Majiid Cusmaan Ibraahim oo (No.9) u qaaata kooxda Dekedda

Kulanka ciyaareedka ayaa kusoo idlaaday 4-1 oo ayy guusha ku qaateyn wiilasha xafidanaya horyaalka Somali Premier League ee Dekedda waxayana lee yihiin 24-dhibcood,iyagoo jooga booska kowaad

Kulanka waxaa dhex dhexaadiye ka ahaa Garsoore Siyaad Cali Xuseen Cali,Calanhayaha 1-aad waxa uu ahaa Axmed Cabdullahi Faarax (Barodoo),Calanhayaha 2-aad waxa uu ahaa Mowliid Raage Xuseen

Xaqiiqooyinka Laga Bartay Kulanka
-Kooxda Dekedda ayaa guul ku bilaawatay Wareega Labaad horyaalka Somali Premier League kol ciyaareedka 2017-2018 waxayna kulankeeda Labaad todobaadka soo aadan la ciyaaraysaa Gaadiidka

-Xirfadyahan Feysal Xasan Xaashi bisha Maaj Kulamadii uu wajahaya kooxaha Madbacada Batroolka iyo Waxool waxa uu ka dhaliyay 6-gool,isagoo hada la Wareega hogaanka gool Dhalinta wuxuuna ku qabtay 11-gool laacib Feysa Xaashi wareega kowaad horyaalka kooxdiisa Dekedda waxa uu dhaliyay 9-gool

-Dhaliyihii hore Gobalka Banaadir Cabdi Mujiid Cusmaan ayaa noqday ciyaaryahan ugu horeeyay kol ciyaareedkan labadii kulan uu wajahay horyaalka koox kasoo horjeeda gool ka dhaliyay kooxda Waxool waxa uu goolkiisii 1-aad ka dhaliyay 22-Janaayo 2018 kulankaas oo ahaa furitaanka horyaalka Somali Premier League xili ciyaareedka 2017-2018

Daafac Bile Bashiir Colaad ayaa kooxdiisa Dekedda u asixiyay goolkiisii kowaad kol ciyaareedkan horyaalka waxaana gool oo ka dhaliyo horyaalka ugu dambeesay sanad ciyaareedkii hore 2016-2017

Kooxda kubbadda cagta Dekedda guul daro kasoo gaarta horyaalka Somali Premier Legau waxaa ugu dambeesay 21-Febaayo 2017 kolkaas oo ay guul daro 2-1 kala kulmeyn kooxdan ay sanadka xifaaltamayaan ee Horseed wixii intaa ka danbeesay wiilasha Dekedda waxa ay ku raaxaysanayeen bandhigyo wanaagsan iyo natiijo sare

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com