DEG-DEG: Feysal Hazard ayaa Ku Biiray Kooxda Mogadishu City Club

Kooxda kubadda cagta Muqdisho City Club ayaa saaka waxey saxaafada u soo bandhigtay xidigeeda cusub ee Feysal Axmed Xasan, kaaso ka tirsana xulka qaranka Soomaaliya.

Feysal Axmed Xasan ayaa ka haray kooxdii ka timid wadanka Uk ee England isago kamid ahaa xidigihii ugu fiicna kooxdaas, waxeyna taas sababta inuu xulka qaranka Soomaaliya uu matalo, tartankii Isreeb Reebka Olympico, isago gool qurux badan ka dhaliyay xulka Ethiopia ciyaar ka dhacday dalka Jabuuti.

Sido kale Feysal wuxuu bandhig wanaagsan ka sameyay kulankii saaxiibtinimo uu xulkeena la dheelay xulka Jabuuti , wuxuuna dhaliyay saddex gool, ciyaar ku soo dhamaatay 4-1 ay Xulka Soomaaliya Guusha ay ku raacday.

Xidigan bandhigii wacan uu ka sameyay xulka ayaa keentay in kooxo badan oo ka dhisan horyaalka dalkeena ay baadi goob u galaan, balse waxaa nasiib u yeelatay in ay la saxiixato Hazad Soomaaliya Naadiga Muqdisho City Club.

Ciyaaryahanka ayaa lagu wado inuu dheeli qeybta dambe ee horyaalka maadama Suuqa oo xiran owgiis ma ciyaari karo 7-da kulan ee ka dhiman qeybta hore ee horyaalka  Soomaaliya .

Image may contain: one or more people and closeup

Image may contain: 2 people, camera and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor