DEG-DEG: Manchester United ayaa ku garaacday Man City saxiixa xiddiga Bruno Fernandes

Manchester United ayaa ku garaacday kooxda Man City saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes, sida ay sheegayaan saxaafada Talyaaniga 

Xiddiga 24 sano jirkaan ayaa usoo duuli doono Manchester si uu u maro tijaabada caafimaad 48 saac ee nagu soo aadan.

Radio Rossonera ayaa sheegay in madaxda garoonka Old Trafford ay ka shaqeynayaan faahfaahinta ugu dambeya ee saxiixa xiddigaan.Balse Waxaa la fahamsan yahay in Man United ay bixin doonto 70 milyan oo ginni.

Bruno Fernandes ayaa 32 gool shabaqa soo dhigay, 18 gool kalana caawiye ka noqday 53 kulan uu saftay kooxdiisa xili ciyaaredkii soo dhamaaday.