DEG-DEG: Tottenham oo shaacisay muddada uu garoomada ka maqnaanayo goolhaayaheeda Hugo Lloris

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa ku shaacisay war rasmi ah ay soo saartay faah faahin ku saabsan dhaawaca soo gaaray goolhaayaheeda  xulka France ee Hugo Lloris.

Naadiga ka dhisan magaalada London ee Tottenham ayaa website-keeda rasmiga ah iyo dhamaan boggaga ay ku leedahay baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter waxay ku shaacisay muddada uu garoomada ka maqnaanayo goolhaayaheeda Hugo Lloris.

Hugo Lloris ayaa dhaawac culus ka soo gaadhay kulankii Sabtida ay Spurs-ka kula ciyaartay kooxda Brighton horyaalka Premier League, taasoo ay la kulmeen guuldarro 3-0 ah.

Qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay kooxda Tottenham Hotspur ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Hugo Lloris uusan ku soo laaban doonin garoomada inta ka dhiman sanadkan.

Hugo Lloris ayaa la rajeenayaa in dib ugu soo laabashadiisa garoomada iyo tababarka buuxa ee kooxda Tottenham Hotspur ay noqon doonto bilowga sanadka 2020.

Goolhaayaha reer France ayaa maray baaritaano caafimaad ee horudhac ah ee xaqiijiyay inuu dhaawac halis ah ka soo gaaray gacanta, taasoo lagu xaqiijiyay inuu ka maqnaanayo dhamaan kulamada xulkiisa qaranka iyo kooxdiisa Tottenham Hotspur ee inta ka harsan sannadkan 2019.