DEG-DEG: UEFA ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijiyay in Man City laga ganaaxay Tartanka Champions League

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijiyay in Man City laga ganaaxay Tartamada yurub labada xilli ciyaareed ee soo socda iyada oo sidoo kale Lagu ganaaxay lacag dha 30 Milyan oo Lacag ah.

Kooxda Man City ayaa lagu helay Dambi Xasaasi ah oo ah in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga iyo waliba in ay Khimaaysay Gudidii baadhaysay dambiga lagu soo eedeeyay.

Taas ayaa la macno ah in ayna Man City Ciyaari doonin tartanka Champions League ama Europa League xitaa hadii ay ku dhamaystaan kaalamaha loogu soo boxo tartanka labada xilli ciyaareed ee soo socda.

Kooxda Man City ayaa lagu helay in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga U yaala Yurub ee diidaya in ay kooxuhu si waali ah lacag u galiyaan iibka xiddigaha ama mushaharka xiddigaha.

Ganaaxa ayaa bilaaban doona xilli ciyaareedka 2021/2022 iyo 2022/2023 iyada oo ayna ka qayb qaadan doonin tartanka champions League.

UEFA ayaa Man City ku bilowday Baadhitaanka bishii November ee 2018 kadib markii la soo dusiyay Warqado muujinaya khaladaadka kooxda Man City.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com