DEG DEG: Unai Emery Oo Shaaciyay Liiska Xidigaha Arsenal Ka Tageysa Dhamaadka Bishaan

Isaga oo saxaafada la hadlayay maanta oo Jimco ah ka hor kulanka Axada ay la balansan yihiin Manchester City ayaa maamulaha Arsenal wuxuu ku dhawaaqay warka ku saabsan xidigaha ka tegi doona kooxda.

Unai Emery, hogaamiyaha Gunners-ka waxa uu shaaca ka qaaday inuu laacibiinta kala ah; David Ospina, Joel Campbell iyo Carl Jenkinson ay mac-salaamayn doonan Arsenal dhamaadka bishaan.

Ma uusan sheegin hadii ay kooxo xiisaynaya laacibiintaan, kuwaasoo la filayo inay ku biiraan, wallow ay jiraan warar dhowr ah oo la xiriirinaya inay ku biiri doonan kooxo ka dheela gudaha Ingiriiska.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in xidigahaan ay ku biiri karaan kooxo ka dheela shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub, kuwaasoo dhamaan laacibtaan xiisaynaya.

Goolhaye David Ospina oo mudooyinkii dambe ahaa dookha labaad ayaa waxaa uu dalabyo ka helayaan kooxo dhowr ah oo ka dheela Premier League oo ay ugu horeyso West Ham United.

Ma cadda hadii uu halkaasi aadi karo, laakiin waxaa lagu wadaa inay kala cadaato halka uu iska xaadirin doono Shabaq-ilaaliyahaan udhashay wadanka Colombia ee Kooba Aduunka 2018 wacdaraha ka dhigay.

Talaabaddaan ayaa qayb ka ah isbedal xoogan oo uu wado macalinka Gunners-ka, kuwaasoo uu ku doonayo inuu isbedal la taaban karo uu ugu sameeyo kooxda, inkasta oo ay horyaalan caqabado waa wayn.