DEG DEG: Xiriirka Kubada Cagta Spain Oo Magacaabay Macalinka Cusub Ee Bedalaya Lopetegui

Sacaado un kadib markii uu ku dhawaaqay xiriirka kubada cagta Dalka Spain inuu shaqada ka eryay macalinka xulka qaranka dalkaan ayaa wuxuu magacaabay tababare kale oo cusub.

Maamulaha cusub ee dalka Spain ayaa wuxuu noqon doonaa Fernando Hierro, kaasoo horey usoo maray Real Madrid, islamarkaana daafaca uga dheeli jiray xitaa xulka Spain.

Julen Lopetegui ayaa wuxuu xilkiisa waayey kadib markii uu qabtay shaqada macalinimo ee Los Blancos, sidaas darteeda Hierro ayaa wuxuu dalka ku hogaamin doonaa Koobka Aduunnka 2018.

Fernando Hierro, shaqadii ugu dambeysay ee soo qabto wuxuu ahaa inuu tababare usoo noqday kooxda Real Oviedo, taasoo ka dheesha horyaalka heerka labaad ee dalka Spain, waxay ahayd sanadkii 2017-dii.

Fasal ciyaareedkaas wuxuu naadigaan gaarsiiyay kaalinta Sideed ee kala horeynta, isagoona isaga tegay intaas kadib, naadigaan ka dhisan dalka Spain, gaara ahaan Magaalada Madrid.

Talaabooyinkaa is-xig xiga oo uu qaadayo xulka qaranka Spain ayaa waxaa la sheegayaa inay yihiin kuwa saameyn ku yeelan kara ciyaartoyda dalkaan, kuwaasoo hadda isku diyaarinaya Koobka Aduunka 2018.

Koobka Aduunka oo furmaya maalinta Berrito ah ayaa waxay kulanka ugu horeeya ay wajihi doonan Spain dhigooda Portugal, wuxuuna kulankooda uu dhici doonaa maalinta Jimcaha ah ee Isbuuca soo aadan.