DEG DEG: Xiriirka Kubada Cagta Spain Oo Shaqadii Ka Eryay Macalinka Real Ee Julen Lopetegui

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa waxay eryeen Julen Lopetegui, In ka yar 24 saacadood ka dib markii lagu dhawaaqay inu tababare unoqon doono kooxda kubada cagta Real Madrid.

Ceyrintaan ayaa waxay kusoo aadeysaa maalmo un ka hor inta uusan xulka qaranka Spain uduulin wadank Ruushka, halkaasoo uu ka furayo 14-ka bishaan June Koobka Aduunka ee 2018.

Shalay oo Talaado ahayd ayaa lagu dhaawaqay in Lopetegui, uu noqon doono bedalka Zidane, kaasoo bishii lasoo dhaafay si lama filaan ah isaga casilay shaqadda uu uhayo naadiga Real Madrid.

Lopetegui ayaa wuxuu shaqadda Real Madrid wuxuu la wareegi doonaa maalmaha soo socda, maadaama laga soo ceyriyay Spain, taasoo hadii uu Koobka Aduunka uraaci lahaa la wareegi lahaa kadib.

Wuxuu qabtay shaqada xulka Spain bishii Julaayo ee sanadkii 2016-kii, isagoona tan iyo xiligaas guuleystay afar kulan, kaliya Hal bareejo ayuu galay, waxaana uu usoo bixiyay Koobka Aduunka 2018.

Lopetegui wuxuu ahaa Goolhaye horey ugu soo dheelay Barcelona, iyo Real Madrid isagoona hadda umuuqda mid u go’ay maaliyadda cadaanka ah ee Los Blancos, oo uu xagaaga dambe difaaci doono.