DEG DEG: Zidane oo si cad u sheegay Bale in uu ka tagayo kooxda Real Madrid

Tababaraha Kooxda Real Madrid Zidane ayaa ka dhawaajiyey war aan u wanaagsaneynin xidigiisa Gareth Bale isagoo si cad ugu sheegay in ay kooxda laga dirayo maalmaha soo aadan.

Zidane ayaa kasoo muuqday shir jiraa’id kadib kulankii ay kooxdiisa guuldarada kala kulantay Kooxda Bayern Munich oo 3-1 ugu awood sheegatay Real.

Zidane ayaa yiri isagoo ka hadlaya arinka Bale “Gareth Bale ma uusan ciyaarin kulanka, sababta waxay tahay inuu ku dhowyahay inuu baxo, waxaan rajeyneenaa inuu baxi doono maanta ama barri, waxaan ka shaqeyneynaa inaan soo afjarno sida uu ugu biiri lahaa koox cusub.