DEG-DEG:Chelsea ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Christian Pulisic

Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Christian Pulisic kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay ku dhawaaqdo kadib markii ay saxiixiisa dhamaystirtay suuqii Januaury.

Chelsea ayaa xiddiga Christian Pulisic kala wareegaysa kooxda Borussia Dortmund kuwaas oo ay suuqii January ee bilowgii sanadkan kala wareegeen lacag dhan 57 milyan oo euro laakiin heshiis amaah ah ugu dirtay kooxdiisa si uu ula dhamaysto xilli ciyaareedkan.

Kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedkoodu kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay xiddiga isaga oo lagu soo bandhigay garoonka Stamford Bridge dhexdiisa.

Christian Pulisic ayaa ugu soo biiray chelsea si uu badal ugu noqdo xiddiga Eden Hazard kaas oo ku biiri doona kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Image result for Christian Pulisic

Image result for Christian Pulisic

Image result for Christian Pulisic