DEG-DEG:Horseed oo lasoo Wareegtay Cayaaryahan Ibraahim budka

Kooxda kubada Cagta Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Cayaaryahan cusub oo ay lasoo wareegeen kaas oo ah Xiddigii khadka dhexe ee kooxda Gaadiidka Ibraahim Budka.

Cayaaryahankaan oo ka mid ah cayaartoyda ugu fiiican dalkeena Soomaaliya Gaar ahaan inta ka dheesha khadka dhexe ayaa lacadeeyey in uu Horseed u saxiixay heshiis 2 Sano ah oo uu ugu dheeli doono waxaana uu maanta Tarabuunka ka daawanayey kulankii Naadigiisu ka badiyey kooxda Waxool kaas oo ay kula wareegeen Hogaanka Horyaalka dalka somaliya

Gudoomiayaha guud ee Naadiga Horseed Col.Maxamed Axmed Maxamed (Ditoorka) ayaa ii sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin la soo wareegitaanka Cayaaryahan Budka isaga oo sidoo kale cadeeyey in ay dhawaan soo bandhigi doonaan Cayaartoy cusub oo ay ku farxi doonaan Taageerayaasha kooxda Horseed.

Cayaaryahanka Cusub ee kooxda Horseed Ibraahim Budka oo waraysi siiyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxcsanyahay ku soo biiritaanka kooxda Horseed kadib markii sida uu sheegay ay Saaxiibo kaga soo horeeyey u sheegeen in Naadigu bixiyo mushaar joogto ah isla markaana la ilaaliyo xuquuqda iyo caafimaadka Cayaartoyda intaas oo aan inta badan laga helin Naadiyada kale ee dalka kajira.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com