Dekedda Fc Vs Horseed-Wareega Afar Dhamaadka Tartanka General Daa’uud

Kooxaha Horseed iyo Dekedda ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir Stadium caCabdifitaax-Naniyaar qeyb ka ah tartanka General Daa’uud Wareega Afar Dhamaadka.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan maadama labada kooxod ay kamid yihiin kooxaha ugu awood badan horyaalka Somali Premier league.

Labadan kooxod waxey ka soo kala adkaadeyn kooxaha Midnimo iyo Rajo FC, Kooxda Dekedda waxey guul dahabi ah ka soo gaartay naadiga Rajo Fc halka Horseed ay Rigooroyin ugu soo badisay kooxda Midnimo Fc.

Cayaartan ayaa soo gali doonta saacada markii ay tahay 3:30 galabnimo , kooxaha midkii soo badiya wuxuu iska xaadirin doona finaalka Koobka General Daa’uud.

W/Q:Cabdifitaax-Nani