Dekedda oo cayaaraysa kullankii labaad ee koobka kooxaha Cecafa
Kooxda Dekedda ayaa cayaari doonta kullankii labaad heerka guruubyada koobka Cecafa Cup oo dhawaan ka Furmay dalka Tanzania.
Naadiga ku guulaysatay horyaalka dalkeena ayaa galabta wajahaysa kooxda Singida United oo ka dhisan wadanka lagu marti galinayo koobkan ee Tanzania.
Sida jadwalka ku cad kullanka ayaa dhici doono 2:00 oo duhurnimo, waxaana kooxahan ay ku jiraan guruubka C, oo ah guruub ugu adag.
Kullanka ayaa lagu cayaari doona garoonka National ee magaalada Dar Es Salaam, iyadoo kooxda Singida United ay kaalinta shanaad ka soo gashay kala sarraynta horyaalka Tanzania.
Tartanka ayaa laga saaray kooxda dalka Itoobiya ee St. George mahadaama wali uu soconayo horyaalka Ethopian Premier League, isla markaana kooxdan ay hoggaanka u hayso.
Sidoo kale tartanka waxaa laga saaray naadiga dalka Tanzania ee Young Africans, waxaana booskeeda gashay kooxda ay isku wadanka yihiin ee Singida United, halka booskii Saint George lagu buuxiyay APR oo ka socoto Rwanda.
Guruubka C waxaa min saddex dhibcood leh kooxaha reer Tanzania ee Simba iyo Singida United, iyadoo Dekedda haddii laga badiyo tartanka ay isaga hari doonto.
Cayaarta ayaa si toos ah waxaa loogu daawan doonaa Tv-ga AZAM oo laga leeyahay dalka Tanzania,waxaana sidoo kale xusid mudan in SS9 laga daawanayay cayaarihii dhacayay