Dekedda Oo Maanta Dheeli Doonta Kulankii Ugu Horeya Tartanka Bariga Bartamaha Africa

Kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa galabta ciyaare doonta kulankeedii ugu horeyay tartanka Bariga Bartamaha Africa xili ay la dheeli doonto kooxda ka dhisan wadanka Tanzania ee Simba.

Sida Caadiga ah Tartankan waxaa dheela kooxaha ku soo kala guuleysta horyaalada dalalkooda,Tiiyo ay jirto labadii sano ee la soo dhaafay waxaa xusid mudan in tartankan la qaban.

Naadiga oo hogaamiyo Macalin Yuu Cali ee Dekedda ayaa sanadkii la soo dhaafay ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League, taa oo keentay iney ka qeyb gashay tartanka Bariga Bartamaha Africa 2018(Cecafa Kagame Cup).

Wiilasha Dekedda ayaa ku jira Group-ka C oo ay ku wehelinaya Kooxaha kala ah Yanga oo ka socota wadanka Tanzania Simba oo ka soo jeeda wadanka Tanzania iyo St. Giorge oo ka socota wadanka Ethiopia.

Xidigaha kala ah Mustaf Nakuja oo shabaqada u ilaaliya kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayee macquul tahay in lagu soo bilaawo kulankan iyo Xidiga Daafaca ugu dheelo kooxda Banadir Sports Club Baanuu ayaa isagana laga yaaba inuu ku soo bilaawdo safka kooxda Dekedda.

Feysal Xasan Xaashi ayaa shaki laga muujinaya kulankan inuu dheeli karo sababo dhaawac ah.

Kulankan ayaa ka dhici doona garoonka National Stadium ee dhaca wadanka Tanzania, waxeyna ciyaartan soo gali doonta 2:00 Duhurnimo xiliga geeska Africa.

Sido kale Ciyaartan ayaa si toos ah waxaa loogu daawan doonaa Tv-ga AZAM oo laga leeyahay dalka Tanzania.

W\Q:Cabdi fitaax nani