Dekedda oo Nusdarsan Goolal Ka Badan Kaga Badisay Madbacada

Kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Madbacada ayaa wada dheelay kulan cayaareedkii 31-aad horyaalka Somalia Premier League

 Kooxda xafidaneysa horyaalka Soomaaliya ee Dekadda ayaa 7-1 kaga badisay  kooxda Madbacadda.

Qeybtii hore ee cayaarta  ayaa lagu kala nastay 2-1.

Tababare  Yuu cali ayaa ku jirta qaab cayaareed aan innaba caadi ahayn iyadoo ayna kulanka wacdaro dhigeen Laacibkii hore ee Jeenyo Feysal iyo Maxamed Xasan.

Feysal ayaa dhaliyay Afar Gool waana laacibkii ugu horreeyay oo dhaliya goolashaasi tan iyo sidii horyaalkeena loo bixiyay Somalia Premier League.

Saddexda Gool ee kale waxaa Dekadda u saxiixay Maxamed Xasan.

Guusha ayaa ka dhigan in Dekadda ay iminka hogaanka ku heyso 17-dhibcood, waxaase ku wehlin doona meesha sare naadiga Horseed haddii ay soo adkaato.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com