Dekedda oo xasuuqday Batroolka Lana Wareegtay Hogaanka Horyaalka Somali Premier

Kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Batroolka ayaa wada cayaareyn kulamadoodii ugu dambeeyay wareega kowaad ee horyaalka Somali Premier League iyo sidoo kale guud ahaan kulankii 40-aad horyaalka

Qeybta 1-aad ee kulan ayaa lagu kala baxay 2-0 oo ay hogaanka ku qabteen xiddigaha  Dekedda waxaana u dhaliyay xidigaha kala ah Maxamed Xasan iyo Reymon oo u dhashay dalka Kenya

Markii leysku soo Laabtay wiilasha Batroolka ayaa sameeyay fursado badan oo goolal loo filan karay,balse saddexley waxaa shabaqa ugu shubay dhaliyihii L.L.P Jeenyo Feysal Xasan Xaashi

Kooxda xafidanaysa horyaalka Somali Premier League ee Dekedda ayaa kulan keedii 9-aad Wareega kowaad horyaalka 5-0 ku dharbaaxday dhigeeda Batroolka oo Xagaagan usoo dalacay heerka kowaad

W/Q:maxamed xuseen qalinle

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com