Del Piero Muxuu Ka Yiri In CR7 Uu Ku Biiray Juve & Hadii Uu Ka Caawin Karo Qaadista UCL?

Alessandro Del Piero, ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Talyaaniga, iyo kooxda kubada cagta Juventus ee wadanka Italy ayaa wuxuu tilmaamay in Ronaldo uu ka caawin karo Juve hanashadda Champions League.

Wuxuu tilmaamay in ku biiritaanka Kabtanka xulka qaranka Portugal ay wax wayn uga dhigan tahay kubadda cagta wadanka Talyaaniga.

Kooxda Juve ayuu si gaar ah farta ugu fiiqay inay utahay talaabo muhiim ah, taasoo wadada u xaareysa Hamiga kooxda oo ah in loo aqoon-sado mid kamid ah kooxaha dunida ugu wanaagsan.

“Saxiixiisa waa mid aad ugu fiican Juventu, iyo kubadda cagta dalka Talyaaniga ayay u wanaagsan tahay,” ayuu Alessandro Del Piero usheegay Majaladda Sky Sport Italia.

“Waxay noqon doontaa wax cajiib u ah guud ahaan Magaaladda iyo kubada cagta Talyaaniga, taasoo uu qof walba ku raaxeysan doono.

“Juventus waxay dooneysaa in loo aqoonsado mid kamid ah kooxaha aduunka ugu wanaagsan.

“Sidoo kale ku guuleysiga Champions League ee mar kale ayay hiig-saneysaan, waxaana hadda macquul ah inay ku guuleystaan, iyagoo haysta Cristiano,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.