Dele Alli Oo Labo Cad Ka Dhigay Chelsea Oo Joogta Bridge

Xidiga da’da yar reer England, wiilka lagu magacaabo Dele Alli ayaa wuxuu dhaliyay labo gool oo deg deg ah, kulan ay kooxdiisa Tottenham Stamford Bridge ay kusoo quusisay Chelsea, kaasoo ka tirsanaa horyaalka Premier League ee wadanka UK.

Chelsea oo ciyaarta ku horeysay goolka ayaa waxaa udhaliyay daqiiqadii 30aad ee qeybta koowaad ciyaaryahan Alvaro Morata, laakiin inta aan qeybta nasiinada la’aadin ayaa waxaa 1-1 ka dhigay Christian Eriksen, daqiiqadii 45aad.

Labadda goo lee Alli oo yimid qeybta labaad ayaa wuxuu kala dhaliyay daqiiqadihii 62aad iyo 66aad ayaa waxay ka saaciday kooxdiisa inay sii xijisato booskeeda Afaraad, halkaasoo ay umuuqdaan inay ku dhameysan karnaa xagaagan.

Guul daradaan ayaa waxay uga dhigan tahay Chelsea inay soo gaba gaboobi karto rajadii ay ka qabtay inay xagaaga dambe ay kasoo muuqato koobka Champions League, inkastoo ay wax walba isbedali karaan, islamarkaana ay usoo bixi karto.

Laakiin, sida hada muuqata Chelsea oo fadhisa kaalinta Shanaad waxay leedahay 56 dhibcood, halka Tottenham oo jiifta kaalinta Afaraad ay iyadana leedahay 64 dhibcood marka lagu daro saddex dhibcood oo ay ka fara-maroojiyeen Blues.

Inta kulanka uu socday ma jirin ciyaaryahan la siiyay Kaarka Gaduudan, laakiin waxaa la bixiyay Kaar Jaalo ah, kaasoo Hal xabo ahaa, waxaana la siiyay mid kamid ah ciyaartoyda kooxda kubada cagta Tottenham, waana laacibka la dhoho Ben Davies.

Tottenham ayaa waxay ku fiicneed kubad-haysashada iyadoona maamulaysay 60 boqolkiiba halka Chelsea ay iyadana haysatay 30 boqolkiiba taasoo marag fur u ah, Blues aad looga fiicnaa islamarkaana aysan wax shaqo ah garoonka ka qaban.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com