Di Maria Oo Aaminsan In Messi Uu Dayn Badan Ku Leeyahay Kubada Cagta Xili Uu Faah-faahiyay Sababta

Kabtanka xulka qaranka kubada cagta Argentina wiilka lagu magacaabo Lionel Messi ayaa wuxuu daboolka ka qaaday mar sii horeysay inuu dayn badan ku leeyahay kubada cagta, sidaas darteeda uu sanadkaan ku guuleysan doono aduunka aduunka.

Inkastoo ay dad kala duwan uga fikrad dhiibteen hadalkaan kasoo yeeray Lionel Messi, wallow ay kooban yihiin, hadana waxaa sheekadaas xoojiyay laacibka PSG, wiilka lagu magacaabo Angel Di Maria, oo sheekadaan Leo ku raacay.

Labadaan ciyaartoy ayaa hada kamid ah liiska xidigaha qarankooda Argentina uciyaaraysay kulamada saaxibtinimo oo ay dheelayaan Isbuucyada soo aadan, inkastoo midkoodna uusan dheelin kulankii ay 2-0 kusoo dharbaaxeen Talyaaniga.

Sikastaba, Di Maria oo wareysi xiiso leh siiyay majaladda Ole ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in Leo Messi uu daynta uu ku leeyahay kubada cagta ay ugu abaalmarin doonto inuu ku guuleysto sanadkaan 2018 koobka aduunka.

“Wax shaki ah kuma jiro in kubada cagta ay dayn badan ka qabto Leo Messi,” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyay wax ka jira in Messi uu dayn fara badan ku leeyahay kubada cagta, sida uu isagaba horey daboolka uga qaaday.

Mar uu faah-faahin dheeraad ah ka bixinayay waxa ay tahay daynta uu xidiga Lamberka 10-aad uqaata Barcelona uu sheegayo ayuu kusii daray hadalkiisa: “Waxa weyaan wax walba oo uu ka gaaray nolashiisa oo dhan iyo wax walba oo ku guuleystay.

“[Sidaas darteeda] waxaan doonaynaa inaan ka caawino [hadii ay yihiin ciyaartoyda Argentina] inuu ku guuleysto koobka aduunka,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, ciyaaryahanka PSG, balse ugu soo dheelay Man United iyo Real Madrid ee Angel Di Maria.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com