Dib U Eegid : Philippe Coutinho Oo Soo Nooleeyay Dhacdo 18 Sano Ka Hor Laga Sameeyay Cope America

Brazil ayaa guul sedex gool ah waxa ay ku garaaceen Bolivia oo ay wada ciyaareen kulanka ugu horeeya ee Cope America .

Laba ka mid ah goolashaas oo ay midkood rigoore aheyd waxaa dhaliyay Philippe Coutinho halka midka sedexaad oo cajiib ah uu lahaa Everton .

Waxa uu Philippe Coutinho sidaas jawaab uga bixiyay dhaleeceyno uu la kulmayay xilli ciyaareedkii soo dhamaaday .

Philippe Coutinho ayaa sidaas ku noqday laacibkii ugu horeeyay oo laba gool ka dhaliya kulanka ugu horeeya ee Cope America tan sanadkii 2001-da waxaana xilligaas sidaas sameeyay xiddigii hore reer Chile ee Christian Montaineuse waxa uuna waqtigaas laba gool ka dhaliyay Ecuador.

Laacibnkaan reer Brazil ayaa haatan sara u qaaday goolashiisa qaranka waxa uuna gaarsiiyay 16 gool ka dib 50 kullan oo uu saftay illaa haataan , waan lambar wacan marka loo eego in uusan weeraryahan aheyn oo uu yahay kubad sameeye