Didier Drogba Muxuu Ka Yiri Hadii Messi Uu Yahay Xidiga Ugu Fiican Taariikhda Kubada Cagta

Dooda ku saabsan in Lionel Messi, uu yahay ciyaaryahankii taariikhda ugu fiicnaa soo mara kubada cagta ayaa wali ah mid furan, waxaana shaqasigii ugu dambeeyay ee kusoo biira uu noqday Didier Drogba, oo ah Halyeey caan ah.

Laacibkaan reer caalami ee wadanka Ivory Coast, ayaa wuxuu aaminsan yahay in kabtanka Argentina uu kamid yahay ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta.

“Messi waa uu joojin karaa hadda, wuxuuna wax badan ka sameeyay kubada cagta,” Drogba usheegay Wakaalada wararka ee AFP.

“Inuu ku guuleysto koobka aduunka ayaa waxay ka dhigeysaa Halyeey-halyeey dhaafay, waana ciyaaryahan aan caadi ahayn,” ayuu hadalkiisa ku daray.

https://laacib.so/xidiga-juve-ee-paulo-dybala-oo-madrid-ku-sugan-xili-uu-la-kulmay-diego-simeone-sababta/

Drogba, ayuu sheegay inuu Messi ku dhow yahay inuu noqday midka taariikhda ugu fiican: “Wali ma uusan gaari heerka [Diego] Maradona iyo Pele, laakiin kama dheera heerarkooda.

Xidigii hore ee kooxda kubada cagta Chelsea, ee ka dheeshay horyaalka koowaad ee aduunk augu xiisaha badan ee Premier League oo uga hor yimid Messi kulamo badan watigii uu Blues joogay, ayaa sheegay in wax fiican ay ahayd inuu la dheelo Messi.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com