Diego Maradona Oo Ka Hadlay Hadii Solari Uu Guulo Ku Hogaamin Karo Naadiga Real Madrid

Real Madrid ayaa muddo ku siman wax ka yar afar bilood waxay ku yeelatay labo macalin, kuwaasi oo mid kamid ah la eryay.

Santiago Solari, waa tababaraha waqti xaadirkaan ee Los Blancos, kaasi oo guuldaradii ugu horeysay kala kulmay Eibar.

Diego Maradona, halyeeygii hore ee Napoli, ayaa wuxuu aaminsan yahay in Solari uu guulo ku hogaamin karo kooxda.

“Aniga waxaan sheegi lahaa in tani ay tahay waxyaabo aanan tamar u haynin inaan daafaco,” ayuu yiri Maradona.

“Sikastaba, hadii ay taasi tahay, waa sababta ah inaan taageerayao, waxaana go’aanka gaari kara Madaxwaynaha kooxda

“Balse, uma malanayo inuu sii ahana doono waqti badan, macalimiinta waxay ku jiraan nolal adag, waana uu guuleysan karaa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Diego Maradona, oo wareysigaan siiyay majaladda MARCA.