Diego Maradona Oo Loo Magacaabay Madaxweynaha Koox Caan Ah Xili Uu Ka Hadlay Dareenkiisa

Taageerayaasha Barcelona iyo Napoli ayaa ku xasuusta Diego Maradona oo ah ciyaaryahan aad u fiican iyo tababare hore oo Argentina ah, laakiin wuxuu hada dhaqaaqay door kale ka dib markii madaxweyne looga magacaabo kooxda Dinamo Brest.

Heshiiska ayuu si rasmi ah u saxiixay Talaadadii, waxaana uu sawir soo dhigay bogiisa rasmiga ah ee Instagram-ka, waxaana uu u mahad celiyay kooxda sababo la rumeysan yahay.

“Waxaan saxiixay qandaraaska, waxaana ahay madaxweynaha kooxda Dinamo Brest, waxaan kuugu mahadcelinayaa kalsoonida iyo I rumeysanaanta,” ayaa yiri.

Dinamo Brest ayaa ku dhameysatay kaalinta 4aad ee horyaalka heerka 1aad ee sannadka 2017, laakiin haatan waxay ku jiraan kaalinta sideedaad.

Intaa waxaa dheer, madaxweynaha, Maradona ayaa sidoo kale mas’uul ka yahay dhammaan siyaasadda kubada cagta ee arrimaha gudaha.

Jagadaan cusub ayaa ka qayilaysan doorkiisa ugu dambeeyay ee ahaa inuu tababare k ahaa naadiga Al Fujairah ee Imaaraadka Carabta.