Dowlada Portugal Oo Go’aan Cad Ka Qaadatay In Coutinho Ay Siiso Dhalashada Dalkaas

Sida laga soo xigtay Majaladda MARCA ee wadanka Spain, Dowladda Portugal ayaa waxay u ogolaatay ciyaaryahan Philippe Coutinho inay siiso dhalashadda iyo Passport-ka dalkaas.

Wiilkaan udhashay dalka Brazil ayaa waxa uu ku taah-mayay inuu qaato tan iyo markii Camp Nou kusoo biiray, waxaana ogolaanshaha dowladda Portugal ay utahay Barca mid siineysa boos ay kula soo saxiixdaan xidig kale.

Warbaahinta dalka Spain ayaa sheegeysa in Barca ay gadaal ka riixeysay qorshaha uu Coutinho ku qaadanayey labadda dhalasho.

Ujeedka ay Barcelona ka lahayd ayaa la rumeysan yahay inay tahay si ay uga hortegto sharciga udegan xiriirka Spain oo ah in safka koowaad ee kooxda uusan ku jirin wax ka badan Shan xidig oo aan udhalan dalalka Yurub.

Sikastaba, waxaa kaliya safka koowaad ee Barcelona ku jira Saddex xidig oo aanan udhalan dalalka Yurub Spain, kuwaasoo kala ah; Arthur, Arturo Vidal iyo Malcom.

Gooldhaliyaha udheela dalka Uruguay ee Luis Suarez waxa uu haystaa dhalasho labaad oo ah tan dalka Spain, maadaama xaaskiisa ay tahay Spanish.

Tani kama dhigna in Philippe Coutinho uu udheelayo xulka Portugal, laakiin kaliya waxay tahay mid uu qaadanayo dhalasho labaad, taasoo ah wax iska caadi ah.

Sikastaba, dadaaladii ay sida wadajirka ah uwadeen Barcelona iyo waliba Coutinho ayaa hadda umuuqda inay noqdaan kuwa mirro dhal ah, maxaa yeelay ugu dambeyn, gacanta ayay ku dhigeen hadafkooda.