Dowladda Spain Oo Ganaax Lacageed Kusoo Rogtay Luka Modric Iyo Sababtay Keentay Oo La Ogaadey

Masuuliyiinta canshuuraha ee dowladda Spain ayaa ganaax lacageed oo dhan 1.2 milyan oo Yuuroo waxay kusoo rogeen laacibka Real Madrid ee Luka Modric.

Xukunkaan ayaa wuxuu la xiriiraa dambi la sheegay inuu galay wiilkaan reer Croatia sanadkii 2012-kii, kaasoo caddeymo buuxa loo helay inuu geystay.

Dambiga ayaa la tilmaamay inuu yahay in wiilkaan uu musuq-maasuqay lacago canshuur ah oo laga rabay sanadkaasi oo ahaa waqtigii uu kusoo biiray Los Blancos.

Modric ayaa wuxuu xiligaasi kasoo dhaqaaqay naadiga caasimadda Ingiriiska ka dhisan ee Tottenham, inkasta oo aanan la shaacin lacagta saxda ah ee uu is-dabamarinta ku sameeyay.

Sida laga soo xigtay majaladda EL Mundo ee kasoo baxda dalka Spain, Modric waxaa horey loogu xukumay inuu bixiyo 2.1 milyan oo Yuuroo oo ganaax ah, laakiin racfaan ayuu ka qaatay.

Masuuliyiinta canshuuraha dalka Spain ayaa kadib qaatay go’aanka dib loogu xukumay, iyaga oo ku dhimay Hal milyan oo Yuuroo, taasoo uu Modric codsaday.

Sikastaba, kiisaska ku saabsan canshuuraha ee lagu soo eedaynayo ciyaartoyda ayaa sanadihii udambeeyay noqonayey kuwa isa-soo tarayey, xili uu Modric ugu dambeeyay.